Madaxweyne naha oo sheegay in Arinta Xasan Daahir todobaad lagu soo afjarayo

0
1177

XasanDaahirAweys20130624

      Codka Halkan ka dhegeyso

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya kaasi oo socday muddo ku dhaw 7 Saacadood ah ayaa waxa wada qaatay Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubno odayaal iyo Waxgarad iskugu jiray oo sodomeeyo gaarayey.

Ujeedka kulanka waxa uu ahaa sida laga yeelayo Arinta Xasan Daahir Aweys oo hadda gacanta ugu jiro Dawlada Somaliya markii dhawaan uu kasoo baxsaday Degmada Baraawe oo shabaab ka taliyaan.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu ka xun yahay wixii ka dhacay Xarunta Nabad Sugida Habar Khadiijo markii Xasan Daahir Muqdisho la keenay iyo Jir dilkii loogeystay Xubnihihii Odayaasha iyo Waxgaradka iskugu jiray,khalad walbo oo dhacayna isaga uu qaadanayo sida uu KNN usheegay Nabadoon Xasan Cilmi Yaxye oo ka qeyb galay kulankaasi.

Arinta Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in todobaad gudihiis lasoo gaba-gabeyn doono dalalka Norway,Turkiga iyo Qadar midkoodna uu uduuli doono magan-galyo ahaan si uu uhelo waxaana dawlada ay fasaxday in eheladiisa Xasan daahir ay utagi karaan isagoo Madaxweynuhu sheegay in Dalalka codsaday in Xasan Daahir magan-galyo siinayaan ay hadda isku maqan yihiin safiirka Turkiga ujooga Somaliyana laga sugayo in dalalkaasi oo mideysan midkood ay ugartaan waddanka lagu wareejinayo Xasan Daahir ee Magan-galyada usameynaya.

Odayaal iyo Waxgarad ayaa xalay ku booqday Xasan Daahir Xarunta Nabad Sugida waxaana ay sheegeen in xaaladiisa caafimaad Xasan ay aad u wanaagsaneyd iyagoo beeniyey wararka sheegayey in xaaladiisa ay liidatay,Cubeyd Daahir Aweys ayaana dawlada u xilsaartay Caafimaadka Walaalkiis Xasan Daahir.

 

Source: Midnimo