Ciidamada Kenya oo dib u sii daayay Col. Cabaas Ibraahim Gurey

0
1266

KenyanMilitaryCiidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa wuxuu maanta dib u sii daayeen Abaan Duulihii Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka Col. Cabaas Ibraahim Gurey.

Ciidamada Kenya ayaa Jimcihii xabsiga dhigay Col. Cabaas Ibraahim Gurey, waana midda sababtay dagaaladii xooganaa ee gil gilay gees ka gees Magaalada Kismaayo.

Abaan Duulaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbooyinka, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay dib u soo sii daayeen Ciidamada Dowladda Kenya, iyadoo uu xusay inay si wanaagsan ula dhaqmeyn mudadii uu u xirnaa.

Col. Cabaas Ibraahim Gurey ayaa wuxuu ka dhawaajiyay inuu xilligaan ku sugan yahay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isla-markaana wuxuu sheegay inuu ku hawlan yahay, sidii uu Ciidan uga soo amba bixin lahaa Degmada Ceelwaaq, una geyn lahaa Magaalada Kismaayo.

Col. Gurey ayaa wuxuu Ciidamada Kenya uu ku eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dagaaladii u dhaxeeyay dhinacyadii Soomaalida, ee ku dagaalamay Magaalada Kismaayo.