Dowlada Turkiga oo ka War Bixisay Halka ay Marayaan Howlaha Dib u Dhiska oo ay ka Wado Dalkeena

0
1081

TurkeyAndSomalia2Ku Xigeenka duqa magaalada istaanbuul ee dalka Turkiga Ismaaciil Guller ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaalada balaaran ee dowlada turkiga ay dib ugu dhiseeyso dalka soomaaliya,gaarahaana sidii loo mataaneey lahaa magaaloyinka muqdisho iyo Istanbul.

Ismaaciil Guller ayaa sheegay in howshan dib u dhiska dalka soomaaliya uu muddo laba sano ka hor xariga ka jaray ra’iisul wasaaraha dalka turkiga Rajab Tayib Erdogan,isagoo sheegay howshan ka faa’ideeysteen oo ay shaqo ka heleen dad badan oo soomaali ah oo ay dowlada turkiga u tababartay dib u dhiska wadooyinka,iyo qurxinta magaalooyinka.

Ismaaciil Guller ayaa intaasi ku daray in 200 oo shaqaale ah ay imtixaan ka qaadeen 170 ka mid ahna ay ku guuleeysteen imtixaankii,hadana ay qeyb ka yihiin howlaha socota.

Ku xigeenka duqa magaalada Istanbul ayaa sheegay in dalka soomaaliya ay ka hir galiyeen warshado sameeya laamiga iyo bulukeetiga,kuwaasoo qeyb ka qaadan doona wajiga cusub ee dib u dhiska dalka soomaaliya oo ay wado dowlada turkiga.

Guller ayaa sheegay in dhawaan ay dowlada turkiga bilaabeeyso dhismaha laamiyada dalkeena soomaaliya.

Dowlada aan walaalaha nahay ee turkiga ayaa shacabka soomaaliyeed waxa ay ku xasuustaan gurmadkii ay u fidisay dadkii ay saameeyeen abaarihii ku dhaftay dalkeena,iyadoo sidoo kalana ay wado mashruuc balaaran oo ay ka wada shaqeynayaan maamulka gobolka banaadir kuwasoo lagu mataaneeynayo muqdisho iyo Istanbul.

Source: Radio Muqdisho