Dowladda oo ka hadashay xaalada caafimaadeed ee Sheekh Xasan Daahir Aweys

0
971

Guddiga1daJuly_4Xilli ehelada Sheekh Xasan Daahir Aweys ay shegeeen inuu xaalad adag ku sugan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxaa ka hadashay Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, oo goor dhow la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa wuxuu sheegay inay soo hagaageyso xaalada Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka ayaa wuxuu iftiimiyay inay Dowladda Soomaaliya xil weyn iska saartay, sidii ay wax uga qaban laheyd xaalada caafimaadeed ee Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka oo xusay inuu xanuunsan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa wuxuu hadana sheegay inay xaaladiisa u xil saareyn dhakhaatiir kala duwan, kuwaa oo uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin, sidii ay wax uga qaban lahaayeen caafimaadkiisa.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay xilligaan wanagasan xaalada Sheekh Xasan Daahir Aweys, marka loo eeggo sidii ay markii hore ahayd.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inaan la buun buunin xaalada Sheekh Xasan Daahir Aweys, isla-markaana ay ogaadaan inay Dowladda u xil saartay dhakhaatiir kala duwan.