Madaxa dowladda Soomaaliya u qaabilsan dhaqan-celinta maleeshiyaadka ka soo goosta kooxda Al-Shabaab Sheekh Maxamed Faarax Cali Al-Azhari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidinayso dhallinyarada ka soo goosata Al-Shabaab ee isu dhiibta dowladda Soomaaliya.
Al-Azhari oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in dowladdu ay ugu baaqayso dhallinyarada ku jirta kooxda Al-Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiska ay madaxda dowladda Soomaaliya u fidisay dhallinyaradaasi.
Sheekh Azhari ayaa tusaale u soo qaatay ku dhowaad 1,600 oo dhallinyaro ka soo goostay maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, iyagoo dhaqan celin iyo nolol hor leh loogu sameynayo xarumaha ay dowladdu ugu tala gashay.
Baaqa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u jeedinayso dhallinyarada ku jirta maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka maleeshiyada dhexdooda ah, iyadoo ay Al-shabaab iska dishay dhowr hor-jooge.
Source: Bar-kulan