Gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo iska fogeeyay eedeynta QM ee Musuq maasuqa Bankiga Dhexe

0
1300

CabdisalaamGudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya C/salaan Cumad Hadliye ayaa iska fogeeyay warbixinta Qaramada Midoobey ee ku saabsan lacagaha lagala baxay Bankiga dhexe ay isticmaaleen shaqsiyaad gaar ah.

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in 80% lacagta ka baxday Bangiga Dhexe loo adeegsado dano shaqsiyeed, waxaana tan iyo bishii Septembe ilaa April afar meelood saddex meel ay lacagaha ka saareen shaqsiyaad gaar ah.

Warbixinta ayaa sheegtay in lacagaha ay saareen C/llaahi Macalin Nuur oo ah Madaxa saadka Ciidamada xooga dalka oo lacag dhan Shan milyan doolar la baxay.

Laakiin Fudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa sheegay in xilka uu haayo afar bil iyo bar, isla markaana wixii qidmad ee bangiga ka baxay ay ku baxeen qaab sharci ah, isagoo tilmaamay in warbixinta qaar ay been abuur tahay.

“Aniga Afar bil iyo bar ayaa meesha jooga, wax walba waxay ku baxeen hab sharci ah”ayuu yiri C/salaan Hadliye Gudoomiyaha Bankiga Dhexe.

Waxaa uu sheegay in isaga aan ku lug laheyn wixii horay u dhacay, balse wixii ka dambeeyay markii shaqada uu qabtay wixii baxay ay qaab sharci oo ducoment ku baxeen, isla markaana qaar mushaaraadka dowladda lagu bixiyay.

Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa muujisay fadeexda cusub ee ay salka la gashay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan lacagaha fara badan ee lagala baxay Bankiga Dhexe, waxaana warbixintan ay noqoneysa mid ugub ah.

 

Source: Jowhar