Kenya oo beenisay eedeynta xukuumadda Soomaaliya

0
1072

GenJuliusKenyaDowladda Kenya ayaa beenisay in ciidankeeda ku sugan Kismaayo ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay magaalada.

Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay galab ku eedeysay ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay magaalada Kismaayo, iyadoo dalbatay in magaalada loo diro ciidamo ka dhexdhexaadsan kuwa Kenya.

Madaxa ciidanka xoogga dalka Kenya, Gen Julius Karangi ayaa beeniyay eedeynta dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan faragelin, isla markaana aysan taageerin garab ka mid ah garabyadii ku dagaallamay magaalada.

Gen Karangi ayaa bishii la soo dhaafay wuxuu sheegay in dagaalka Kismaayo uu salka ku hayo loollan dhinaca awoodda ah, isagoo rajo ka muujiyay in si deg-deg ah xal looga gaari doono.

Wuxuu kaloo sheegay in la wiiqay awoodda al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, ayna ku adkaan doonto kooxda inay dib u qabsato Kismaayo.

 

Source: Bar-kulan