Madaxweyne Xasan: Doowladeeyda laguma eedeyn karo wax ka badalida Dastuurka KMG

0
1059

XasanSheekh20130610Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan Dowladiisa lagu eedeyn karin qaladaadka laga tirsanayo Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya uyaalo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul Gobaleedyada qaarkood ay sheegayaan inay qabaan dareen ku aadan qaladaad ka jira Dastuurka dalka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Dastuurka dalka u yaalo uu yahay mid ay ugu yimaadeen meesha ,sidaasi awgeedna aanan lagu eedeyn karin hadii ay jiraan qaladaad ku jira Dastuurka dalka.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Soomaali oo dhan ay isku raaceen in Dastuurka uu yahay mid aan dhameestirneyn,oo la isku raacay,taasina ay muujinayso in Dastuurka uu yahay mid KMG oo aan la isku qilaafsaneyn.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay bedeshay Dastuurkii dalka loo qoray ee lagu ansixiyay Magaalada Muqdisho,inkastoo Dowladda arintaasi ay iska fogeysay.

 

Source: Waasan