maanXubanaha golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa u furmay kalfadhi aan caadi aheyn kaasoo inta uu socdo lagu dhameystiri doono hindisa sharciyadeedyo ay xukuumadu usoo gudbisay baarlamanka Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee Barlamanka mudane Maxamed Cabdulaahi Cabdi Ciyoow Ayaa Radio Muqdisho u sheegay in marka uu dhamado kalfadhigan 30 Maalmood kadib uu barlamanku geli doono bil fasax ah.
‘’Kalfadhigii labaad ee Baarlamanka madaxweynaha ayaa noo xiray maantana waxaa bilaabanaya kalfadhi aan caadi aheyn oo socondoona Sodon cisho, kadibna bil fasax ah ayuu gelidoonaa Baarlamanka’’Sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Baarlamanka F.S.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyay in baarlamanka ay horyaalaan dhowr iyo Toban hindise sharciyeed oo ay xukuumadu usoo gudbisay, wana tan Baarlamanku ku doonayo in uu dhameystiro howshaasi si ay xukuumada ugu fududaato howlaheeda.
Agaasimaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sharciyada horyaala Baarlamanka ay ku dhameystiridoonaan muddo bil ah.