Muqdisho oo si weyn looga Xusay Munaasabadda 1da Luulyo

0
1107

SomaliMapMunaasabad si heer saro ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayo Munaasabadda 1da Luulyo ee Markii ay Xurnimada ay qaateen Gobollada Koofureed ah ayaa waxaa xalay ay ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ay ka midyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud iyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saacid ayaa ka qeyb galay Munaasabadda kuwaasi oo Khudbado qiirado leh ka jeediyay Munaasabaddaasi.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed looga baahanyahay Meel kasta oo ay joogaan in ay Midoobaan Qaranimadana ay taageeraan , isagoo Carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka shaqeyneyso isu keenista umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay Joogaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahanyahay in ay ka fikiraan Maslaxadooda ee ay ka gudbaan kala qoqobnaanta daashatay waxaana uu u Rajeeyay umadda Soomaaliyeed Nabad iyo Midnimo Waarta.

Sikastaba Munaasabadda Xalay oo ay ka qeyb galeen Marti Sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin Safiirada wadamada Shisheeye u Jooga Soomaaliya iyo wafdi ka socday Walaalaha dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayay Wasiirka Diinta iyo dhaqanka Dalkaasi ayaa ku soo idlaatay Jawwigii loogu tala galay.

Source: Shabelle