Madaxweynaha dowladda Mareykanka, Barrack Obama ayaa hambalyo diiran oo ku aaddan 53-guurada ka soo wareegatay markii ay xorriyadda qaadatay Soomaaliya wuxuu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Obama ayaa war qoraal ah ku sheegay in Soomaaliya ay sanadkii hore sameysay horumar wax ku ool ah, isagoo intaas raaciyay in dowladda Mareykanka ay ku faraxsan tahay doorka ay ku leedahay xasilinta Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay sii jiritaanka xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya labada dal, iyo in Soomaaliya ay noqon doonto dal nabadoon oo xasilloon.
Maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay Koowda Luuliyo ayaa Soomaaliya waxaa looga dabbaaldegayaa sanadguurada 53-aad ee ka soo wareegatay markii uu dalka ka xorroobay gumeystaha.
Source: Bar-kulan