10 ku dhaawacantay weerarro al-Shabaab ay ka geysatay Baydhabo

0
846
Markacadeey.com

Markacadeey.comUgu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacantay weerarro xalay ay maleeshiyada al-Shabaab dhowr jiho kaga qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobaha ay weerarrada xooggooda ka dhaceen ayaa la sheegay inay ka mid yihiin saldhigga weyn ee magaalada Baydhabo, xaafadaha Buulo Jameeco, Cadaadda iyo bartamaha magaalada.

Taliyaha ciidamada madaniga magaalada Baydhabo Isaaq Mareexaamow oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay inay maleeshiyada weerarro ku soo qaadday magaalada Baydhabo, isla markaana ay ciidamada dowladda Soomaaliya sameeyeen iska caabbin ay kaga hortagayaan weerarradaasi.

Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo ayaa la dhigay dhaawacyada, kuwaas oo isugu jira askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ah inta badan ka geysata goobaha ay dowladdu maamusho.

Bar-kulan