Afar askari oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho

0
941

CiidamaXoogaDalka20130624_1Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax galabta lagula eegtay waddada soddonka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay waddada, gaar ahaan inta u dhexeysa xaafadaha Cali-kamiin iyo Laba-dhagax.

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kaddib baaritaanno ka sameeyay goobta ay wax ka dhageecn.

Qaraxa ayaa yimid kaddib kulan amniga ku saabsanaa oo Muqdisho maanta ku yeesheen guddiga amniga qaranka.
AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawineysa amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.