Al-Shabaab oo faah faahin ka bixisay sababihii ay u sii deysay Saraakiil Kenyan ah

0
852

Alshabaab1Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay saraakiil Kenyan ah oo muddo sanad iyo bar u afduubnaa, kadib markii lagu guuleystay wada hadalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Kenya oo ku saabsanaa sii deynta raggaas.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in la sii daayay Saraakiisha kala ah Yesse Mulle iyo Fredrick Wainaina oo bishii Janaayo ee sanadkii 2012 ay gacanta ku dhigeen Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in sii deynta saraakiishaas ay ka dambeysay markii la fuliyay shuruudo horay ay ugu xireen oo ahaa in dowladda Kenya ay sii deyso dad Muslimiin ah oo ku jira Xabsiyadeeda.

Sidoo kale Sarkaalka u hadlay Shabaab ayaa sheegay inay jiraan maxaabiis Kenyan ay hayaan, kuwaasoo ku xiran yihiin inta ka dhiman shuruudaha.

Horaantii sanadkan ayay aheyd markii labo Sarkaal Kenyan ah ay ka soo muuqdeen Film ay soo bandhigtay Shabaab, iyagoo saraakiishan codsi u jeediyeen dowladda inay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn lahaa.

Waxaa kaloo Al-Shabaab ay ku xirtay sii deyntooda in marka hore ay Kenya sii deyso Maxaabiis ku jira Xabsiyadeeda oo loo xiray falal argagixisinimo, inkastoo dalabkaas ay ku gacan seyrtay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dishay Sarkaal Kenyan ah oo lagu magacaabayay Jonathan Kangogo, kaasoo ka mid ahaa ciidamadii kula dagaalamay gudaha Soomaaliya.

Source: Jowhar