Amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa saameyn xoogan ku yeeshay xarun ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir ka dib markii sida la sheegay lagu wargeliyey xubnihii halkaasi ku sugnaa inay goobtaasi baneeyaan maadaama ay xaruntaasi tahay dhul dowladeed, ayna dowladdu u baahantahay.
Sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay Ahlu Sunnada gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu jiro amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, hase ahaayee ay xaruntaasi oo muddo dheer ay deganaayeen ay tahay mid aysan hadda baneynin karin, howlo bandanna lagu qabto sida uu ku dooday afhayeenka u hadlay Ahlu Sunna oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay arrinkaasi wax ka bedesho.
Dhinaca kale Guddoomiyaha sedexda gole ee Ahlu Sunnada gobolada dhexe oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay ka laabato amarkeeda, wuxuuna intaasi ku daray in dhulka ay degantahay Ahlu Sunna uu la mid yahay kan la siiyey safaaradaha adduunka ka jooga magaalada Muqdisho, isagoo xusay in dugsi qur’aan iyo howlo maamul intaba lagu qabto, sidaas awgeedna aysan hadda muhiim aheyn inay ka guuraan xaruntaasi sida uu yiri.
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay maamul goboleed ay doonayaan Ahlu Sunna inay ka dhisaan gobolada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in maamul goboleedkaasi arrimihiisa ay kala hadleen dowladda Soomaaliya, wuxuuna cadeeyay in maamulkaasi uusan ka soo horjeedin dowladda Soomaaliya, isagoo ku dooday Guddoomiyuhu in dhismaha maamulkaasi uu ka mid ahaa qodobadii ay dowladda kula heshiiyeen markii ay ku kulmeen gobolada dhexe iyaga iyo R/wasaare Saacid oo booqday.
Source: Warkii