Amiin Cali Muumin oo kamid ahaa odayaashii soo xulay Gollaha Baarlamaanka Somaliya ayaa caawa lagu Dilay meel aan ka fogeyn suuq yaraha degmada Dharkeenley xili uu ku sugnaan afaafka hore guri uu daganaa.
Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa qeybaha sare ee jirka ka tooktay goobta ayeena ka baxsadeen Iyagoo aan la daba gelin sidaasi waxaa soo sheegaya dadka deegaanka.
Dilalka ceenkani oo kale ah laguna begsanaayo Odayashii soo xulay Barlamaanka Somaliya ama ansxiyay Dastuurka Dowlada ayaa kusoo kordhaya Magalada Muqdisho. ayadoo horay Odayaal loo dilay mana jirto ilaa hada cid losoo qabqabtay dilalkii hore iyo midka Caaway Dhacayba.
Ninkaan Caaway la Dilay ayaa ahaa Oday si ween looga garanaayo Dagmada Dharkenley isla markaana Caan ku ahaa isbortika waxuu ahaa Gudoomiyihii isbortika iyo Dhalin yarada Dagmada Dharkenley sida ey ku warameen dadaka Degaanka. ilaa hada cid shegatay mas uuliyada Werarkaan majiro balse werarad nuucaan oo kale ah ayaa looga bartay Alshabaab horayna waxey ugu hanjabeen Shabaab iney leen Donaan odayaasha Dastuurka Dowlada Somaliya ansixiyay ama Baarlamaanka Xukuumada soo xulay.
Source: Sonna.net