Axmed Daaci “Ammaanka D/Wadajir Wu Fiicanyahay Arrimaha Bulshadana Wax Badan Ayaan Ka Qabannay”

0
865

AxmedDaaciWadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa soo dhaweeyay dayac tir uu maamulka degmada Wadajir ku sameeyay waddooyinka iyo jid caddayaasha ku yaalla degmadaasi.

Iyadoo maamulka degmada Wadajir uu bilihii ugu dambeeyay waday howlo baaxad leh oo lagu dayactirayo waddooyinka burburay islamarkaana lagu banneeynay dhismooyinka sharcidarrada ah si loo soo celiyo bilicda degmada ayaa waxaa arrintaasi si diiran usoo dhaweeyay wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya degmadaasi.

Qaar ka mid ah wadayaashaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ku amaanay maamulka degmada dayactirka uu ku sameeyay waddooyinka degmadaasi, iyagoo xusay in dhibaatooyin badan ay ka soo gaari jireen gaadiidkooda burburka wadada.

Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Caddoow ‘’Daaci’’ ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in muddo Laba Bilood ah ay socotay howsha dib u dayactirka waddooyinka, isagoo tilmaamay iney wali socdaan howlo farabadan oo lagu horumarinayo degmada Wadajir.

“Ammaanka degmada Wadajir aad iyo aad ayuu u fiicanyahay arrimaha bulshadana wax badan ayaan ka qabanay hadeey ahaan laheyd dugsiyada waxbarashada iyo wadooyinkaba” Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Daaci).

Bilihii ugu dambeeyay ayaa degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay kasoo kabsanayeen burburkii ay u geysteen maleeshiyaadka Shabaab, waxaana jira tartan dhinaca horumarka ah oo u dhaxeeya degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Radio Muqdisho