Axmed Madoobe: Cidda aan ka maarmin Taangiga AMISOM waa la wada garanayaa

0
918

AhmedModoobe20130525Axmed Max’ed Islaaam (Axmed Madoobe) Hoggaamiyaha Ururka Raaskaambooni oo ka hadlay War murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Kampala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab Labadaba uu iska difaacayo Maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay isagoo tusaalo u soo qaadanaya hadal heynta ku aadan ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in AMISOM haddii ay ka bexeyso dalka la xaqiijiyo ee aan loogu soo gamban Gobol gaar ah isagoo shaaca ka qaaday in cidda Taangiga AMISOM gabaad ka dhigata in la wada garanayo sida uu hadalka u dhigay Axmed Madoobe.

“ Dowladda Soomaaliya waa ay ku guul dareysatay wax ka qabashada Ammaanka oo waxa ay sugi la’adahay kii Madaxtooyada “” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladda ay dooneyso in Kismaayo ay u gacan geliso Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay taasina aysan yeeli doonin Shacabka Kismaayo.

Shabelle