Axmed Madoobe oo ka digay in Dagaal beeleed ka dhaco Gobolada Jubooyinka

0
951

AhmedModoobe20130610Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Islaam Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay inuu ka digayo Dagaal Beeleed ka dhaca Gobolada Jubbooyinka.

Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya inaysan dooneynin Dadka Jubooyinka inay sameystaan Maamul ayna ka shqeyneyso inay iska horkeynto iska horkeenida Qabaa’ilada dega Gobolada Jubbooyinka waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintaasi ka waantowdo.

Hogaamiyaha Raaskambooni ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku mashquushay xiriiradii Caalamiga ahaa hase ahaatee aysan waxba ka qaban arrimihii gudaha waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyadda 1-aad siiso arrimaha gudaha iyo sidii loo yagleelilahaa Maamulo dhameystiran oo dad dega Jubooyinka ay u dhanyihiin.

Axmed Islaam Axmed Madoobe Hogaamiyaha Raaskamooni ayaa dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in Siyaasada arrimiha dibadda iyo midda ku gadahaba ay kala tashaneyso Wadamo aan shaqo ku la heyn Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diiday wada hadal iyo waan waan kala dhaxeeyay Maamulka isaga uu hogaamiyo.

Hogaamiyaha Raaskambiooni hadalka ka soo yeeray ayaa imaanaya xilli Wadamo ku shiraya Dalka Uganda oo ay Ciidamo ka joogaan Dalka Soomaaliya oo ay go’aamiyeen in Dowladda sooomaaliya loo madaxbaneeyo arrimaha Jubooyinka isla markaana Dowladda lagu wareejiyo Garoonka iyo Dekada Magaalada Kismaayo oo Dad shaaqsiyaad oo Maamulka Axmed Madoobe ka tirsan ay Danahooda ku fushaan hase ahaate ay Dowladda Soomaaliya hosstagin Dekada weyn ee Kismaayo.

Shabelle