Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shir dib u heshiisiineeyd ay u qabanayaan dadka Jubooyinka.
Mr Madoobe waxa uu sheegay in shirkaasi looga wada tashanayo sidii loogu midoobi lahaa Maamulka Jubbaland si buu yiri loo dhameeyo qilaafaadka jira.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale ciidamadiisa ammaanka magaalada Kismaayo waxa uu ugu baaqay inay xaqiijiyaan ammaanka oo ay dadka ka dhiciyaan Al Shabaab iyo kooxo uu ku sheegay burcad oo dadka dhaca.
Inkastoo Axmed Madoobe uu ku baaqay qabashada shir looga hadlayo Gobalada Jubbooyinka,hadana lama oga sida dadka Jubbooyinka ay ugu dhamaan doonaan shirkaasi,maadaama khilaaf weyn oo ka taagan yahay Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.
Shalay ayey ahayd markii Axmed Madoobe uu kormeer ku sameeyay Xarumaha ciidamadiisa ee magaalada Kismaayo.
Warkii