Axmed Madoobe oo mowqifkiisii hore kasoo dabcay sheegayna in wadahadal wanaagsan uu la leeyahay DFS

0
889

AhmedModoobe20130525Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe, oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay hadal aan horay looga baran kaasoo ah in wadahadal meel wanaagsan maraya uu la leeyahay doowlada Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in hada wadahadal meel wanaagsan maraya oo bilaaw ah uu la furay doowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana uu xusay in uu rajeeynayo in natiijo wax ku ool ah ay kasoo bixi doonaan wadahadaladaas.

“Arrinta dhagta loo tagayey ee ah wada hadal na dhexmarey anaga iyo dowladda faderalka ayaa ah mid dhab ah, dowladda faderalka wan wada hadalney waxan isla garaney wax kasta in lugu dhameeyo wada hadal iyo wada xaajod” sidaa waxaa yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa sii daba dhigay sida tan “Kulankeena waxaa uu ahaa sidii isfahan u dhalan lahaa oo waxan ugu gogol xareyney wada hadalada an dooneyno inay qoto dheeradan ee an fileno inay iyaguna furmaan,maadama uu wada hadalkena hadda uu ahaa mid bilow ah oo lugu kala xog qadanayey”..

Hogaamiyaha Raaskambooni ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalada uu maamulkiisa la bilaabay DFS uu meel wanaagsan marayo islamarkaasna uu natiijo wanaagsan ka filaayo.

Axmed Madoobe ayaa horay u ahaa nin aad ugu ad adag inuusan wax wadahadal ah la galayn DFS ilaa iyo inta ay ka aqoonsaneyso maamulkiisa, halka madaxda doowlada Federaalka Soomaaliyana ay iyagana taagnaayeen ineeysan aqoonsan doonin maamulka Jubaland lamagac baxay.

Midnimo