Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Janeraal Max’ud Muuse Xirsi ( Cade Muuse) oo shir Jara’id ku qabtay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxa uu iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
“ Waa been aan loo meel dayin waxa uu igu eedeynayo Ninkaas Faroole” ayuu yiri Jeneraal Cade Muuse.
Shirkaan Jara’id oo ku qabtay Cade Muuse Magaalada Qardho islamarkaana ay Goob Joog ka ahaayeen Isimada ka soo jeeda Gobolka Karkaar ayaa waxa uu gabi ahaanba uu meesha ka saaray in ay wax ka jirin eedeynta uu u soo jeediyay Madaxweyne Faroole.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud faroole ayaa dhawaan ku eedeeyay Jeneraal Cade Muuse in uu Colaad ka hurinayo deegaanada Maamulka Puntland.
Shabelle