Dagaal Culus oo ka dhacay Kismaayo, jubada Hoose

0
837

AlshabaabBaraawa2Ciidamada Kenya oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa Xarakada al Shabaab ayaa xalay Dagaal Culsu waxa uu ku dhexmaray Magaalo Xeebeeda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka uu ahaa mid culus isla markaana ay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Jaamacada Magaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaasi ku dareen in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ku hubeysan Hubka nuucyadiisa kala duwan ay weerar ku qaadeen Ciidamada Kenya iyagoona la sheegay inay isku adeegsadeen Hubka Culus iyo Midka fudud oo ilaa iyo iminka aan la ogeyn Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo noq noqday Weerarda Al Shabaab ay ku qaadayaan Fariisimooyinka Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Shabelle