Dagaallo Khasaaro geystay una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helayo Ciidanka AMISOM iyo kuwa Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno ka kala tirsan Gobollada Bay iyo Sh/hoose.
Wararka laga helayo Magaalada Beydhabo ee Gobolka Bay ayaa ku warramaya in xalay deegaanno ka tirsan ay dagaallo culus ku dhexmareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dhinaca kale Ururka Al Shabaab.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Wariyayaal iyo dad deegaanka ah Waxaa weerar culus lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Magaaladaasi Beydhabo balse Ciidanku ay ka hortageen weerarkaasi.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee uu geystay weerarka balse waxaa la xaqiijiyay in dagaalku uu aad u cuslaa.
Dhinaca kale waxaa dagaallo culus ay ka dheceen deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose sida Shalaanbood iyo Janaale kuwaasi oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Ururka Al Shabaab.
Cumar Carabeey Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/hoose oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalyahanno Al Shabaab ka tirsan oo weerar ku soo qaaday.
Shabelle
Sikastaba intii lagu guda jiray bishaan Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Shabaabku ay dagaallo ku qaadayeen qeybo ka mid ah Gobollada dalka ee ay ku suganyihiin Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.