Dagaalo Qasaaro geystay una dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Militariga ee Itoobiya iyo Xarakada AlShabaab ayaa waxaa uu Xalay ka dhacay Degamada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle kadib markii Xalay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalada oo ahaa kuwa Culus ayaa waxaa barbar socday Madaafiic intabadan ku dhaceysay gudaha Magaalada Ceelbarde kuwaasi oo qasaaro gaarsiiyay Dad Rayid ah inkastoo wali aan si rasmi ah loo ogeyn.
Dadka Degaanka ayaa sheegay in uu qasaaro xoogan gaaray dhinacyadii ku Dagaalamay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool inkastoo aan si dhab ah loo shaacin qasaarahaasi.
Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolda Baay iyo Bakool ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay Dagaalo qorsheysan oo meelaha qaar ku dhexmarayay Ciidamo ka wada tirsan ku Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab.
Shabelle