Dibadbax lagu taageerayo howlaha dalka Turkiga uu ka wado Muqdisho, loogana soo horjeedo weerarkii sabtidii lagu qaaday shaqaalaha safaaradda Turkiga ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in muwaadiniinta Turkiga loo dhibaateynayo taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay sii xoojinayaan xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan mataaneynta Muqdidho iyo Istanbul.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa Bar-kulan u sheegay in dibadbaxa uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Turkiga iyo sida aya ugu xun yihiin dhibaatooyinka loo geystay muwaadiinintooda ka howl-gala Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in Turkiga barnaamijyo hormarineed uu ka wado magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale.
Mid ka mid ah ciidanka ilaalada Turkiga ayaa Sabtidii weerar ismiidaan ah lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii qarax lala eegtay xarun ku tallaa degmada Hodan oo ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Source: Bar-kulan