Kooxo hubaysan ayaa xalay degmada Kaxda ee gobalka Banaadir waxa ay ku dileen taliyihii ciidanka nabadsugida ee degmadaas.
Ninka la dilay oo la oran jiray Khaliif Maxamuud Cali ayaa waxaa wadada u galay dabley hubeysan sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Kaxda.
Guddoomiyaha Kaxda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan kooxaha dilkaasi geestay,wuxuuna sheegay inay ku raadjoogaan.
Weerarka Taliyaha Nabadsugida ee Degmada Kaxda lagu dilay waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah ciidanka ilaaladiisa,iyadoo uusan jirin khasaaro kale oo ka dhashay.
Ruux haween ah ayaa lagu dilay xaafada xamar jadiid ee magaalada muqdisho. Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu diley haweeney ahayd ganacsato iyadoo haweeneedaan xalay lagu dilay xaafada Xmar jadiid ee magaalada muqdisho.
Dilka ayaa la sheegay inay geysteen saddex ruux oo ku hubeysan bastoolado oo goobta ka baxsaday.
Source: Jowhar