Diyaarad hub u siday AMISOM oo ku gubatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
1395

EhiopianCargoWar goor dhow na soo gaaray ayaa tilmaamaya in diyaarad ay ku gubatay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaraddaan oo ahayd Ethiopian Cargo taas oo hub u siday Ciidamada AMISOM iyadoo ay sababsatay kadib markii ay u furmi waayeen xilligii ay soo dageysay lugaha ayna ka baxday run way ga, waxaana illaa hadda la arkayaa uurada iyo qiiqa ka kacayo diyaaraddaasi iyadoo hub uu ka dhex qaraxyo gudaha diyaaradda

Inta la xaqiijiyay 4 ayaa ruux ayaa ku dhimatay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo Garoonka diyaaradaha ku sugan.

Waa Markii ugu horeysay oo diyaarad laga leeyahay dalka Ethiopia ay ka soo degto Magaalada Muqdisho.