Diyaarad Rakaab ka qaaday Muqdisho oo goor dhow ku burburtay Guriceel

0
1213

GuriceelAirportWarar goordhow naga soo gaaray degamada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in Diyaarad ay saarnaayen Dad Rakaab ah isla markaana ka soo duushay Garoonka Muqdisho ay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sida ilo wareedyo ku dhow Goroonka Guriceel oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 1 Ruux oo kamid ahaa Shaqaalaha Diyaarada uu ku dhaawacmay iyadoona la sheegay in Rakaabkii saarnaa Dayuurada intooda badan iyagoo badqaba laga soo saaray waxaana sidoo kale la sheegay in Rakaabkii saarnaa Diyaadii burburtay uu kamid ahaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gelgaduud Xuseen Cali Wehiliye Cirfo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayan in Diyaaradan ay aheyd mid yar isla markaana ka soo kictantay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lana sheegay inay siday Saanada Militariga inkastoo aan wali la xaqiijin.

 

Source: Shabelle