Djibouti oo hubeysay 1000 askari oo loo tababaray dowladda

0
876

CiidamaXoogaDalka20130624_1Dowladda Djibouti ayaa maanta hub iyo gaadiid ku qalabeysay 1,000 oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababar dhowaan loogu soo xiray xerada Lamagalaay ee bartamaha magaalada Beledweyne.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Djibouti, Xasan Dharaar Hufane oo hubka iyo gaadiidka ku wareejiyay dhiggiisa Soomaaliya oo ay Beledweyne ku kulmeen ayaa tilmaamay inay tani dhiirragelin u tahay ciidamada.

Wuxuu wasiirku sheegay in deeqda ay isugu jirtay toban gaari oo ah kuwa ciidamada oo laba ay yihiin kuwa gaashaaman iyo hub uusan cadadkoodu sheegin.

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa qalabka ciidamada kala wareegay dhiggiisa Djibouti, waxaanu ku wareejiyay saraakiisha dowladda iyo AMISOM, isagoo Djibouti uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Soomaaliya la garab-taagan tahay.

 

Bar-kulan