Dooni Sidday Xoolo Una Rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed Oo Ku Degtay Badda U Dhaxeysa Yemen Iyo Soomaaliya

0
887

doonSomaliDooni u rarnayd ganacsato Somaliyeed kuna sii jeeday dalka Yemen ayaa ku degtay Biyaha u dhaxeeya Yaman Iyo Soomaaliya.

Doonidan oo ka shiraacatay Dekeda Berbera ayaa ku sii jeeday xeebta Muqawa ee dalka Yemen, waxeyna sidday xoolo isugu jiray Ari iyo Lo taasoo ku degtay biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya,

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Degidda Doonidan hase yeeshee waxaa la rumeysanyahay iney sabab u tahay badda oo kacsanayed iyo iyadoo lagu jiro xilligii badxiranka oo ay badda ka dhacayaan dabelo xooggan.

Xuseen Xaaji oo ah Dibulamaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Ymen ayaa ka hadlay Doonida ku degtay badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen, isagoo xaqiijiyay shilka doonidaasi.

‘’Waxey Doonidu sidday 1454 neef oo Lo’ ah 1300 oo neef oo ari ah waaxana saarnaa dad isugu jiray Soomaali iyo Carab, waxaana Doonta la la’aa muddo Sadex maalmood ah mana la hubin iney degtay iyo waxa ku dhacay laakiin maanta ayaa la xaqiijiyay iney Doontii degtay, kadib markii Dooman kale ay soo arkeen waxyaabo muujinaya iney degtay Doonidaasi’’ Sidaasi waxaa yiri Xuseen Xaaji .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniino ku saabsan in lagu safro badda xilliga bad xiranka oo dadka badda yaqaana ay sheegaan iney jiraan dabeylo xooggan oo int badan sababa iney degaan Doomanka iyo Maraakiibta yaryar.

 

Source: Radio Muqdisho