Dowlada Jabuuti oo rajo ka muujisay wadahadalada Mucaaradka

0
815

DjiboutiIlyaas Muuse Dawaale Wasiirka Maaliyada dalka Djibouti ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada u bilowday dowlada Djibouti iyo Mucaaradka kasoo horjeeda, isagoona xusay in labada dhinac ay imika isu soo dhawaanayaan.

Wasiirka Maaliyada dalka Djbouti ayaa sidoo kale sheegay in mar kale la filayo in labada dhinac ay isku soo hor faristaan, waxa uuna tilmaamay in imika uu jiro isu soo dhawaansho, isagoona sheegay Wasiirka in labada dhinac ay ka go’antahay ka guul gaarida wadahadalada u dhaxeeya.

Wadahadalada u dhaxeeya dowlada iyo Mucaaradka Djibouti ayaa ka dambeeyay kadib markii dowlada Djibouti ay xabsiga kasii deysay xubno ka tirsan Mucaaradka oo dowlada u xirnaa.

 

Source: Allpuntland