Dowlada Kenya oo Sheegtay in Dowlada F.S. ay ku Wareejineyso Maamulka Magaalada Kismaayo

0
962

KismayoCityDowlada Kenya ayaa shaaca ka qaadday iney Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejineyso Dekedda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, ayadoo arintanna ay Madweynayaasha dalalka ay Soomaaliya ka joogaan Ciidammada ku go’aamiyeen shir ay ku yeesheen magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda.

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay in dowlada Federaalka Soomaaliy ay si rasmi ah ugu wareejineyso maamulka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay qortay wakaalada wararka Router oo soo xiganeysa wasaarada arrimaha dibada ee dalkaasi Kenya.

Dhanka kale Kenya waxa ay ka digtay in haddi ay halkaasi faarujiyaan ciidamadooda iyadoo aan si buuxda loogala wareegin ay suurtagal tahay in Malleeshiyaadka Shabaab ay dib usoo galaan magaalada Kismaayo.

Hadalkan ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya ayaa la sheegay in dagaallo ka dhacay magaalada Kismaayo oo u dhaxeeyay kooxo isku heystay maamulka magaaladaasi ay qasaare ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada dowlada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iyagu magaalada Kismaayo ka saaray maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna Kenya hadda ku adkeysaneysa iney dowlada F.S. ku wareejineyso maamulka magaaladaasi.