Dowladda Kenya oo shuruud lama filaan ah ku xirtay wareejinta Dekeda iyo Air Porka Kismaayo

0
854

kismayo20130610Dowladda Kenya ayaa shuruud ku xirtay wareejinta Dekeda iyo Air Porka magaalada Kismaayo, kadib markii dhowaan shir Axadii ka dhacay Kampala oo ay ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ka soo saareen in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Maamulka garoonka iyo Dekeda Kismaayo.

Sida uu qoray maanta Wargeyska Daily Nation dowladda Kenya ayaa ku gacan seyrtay go’aanka ay gaareen madaxda dowladdaha ay ciidamada ka joogaan, iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada Kenya uu ku tilmaamay go’aankaas mid lagu deg degay.

Mas’uul ka tirsan Wasaarada arrimaha dibada Kenya oo lagu magacaabo Karanja Kibicho ayaa sheegay in wareejinta dekeda iyo Air Porka Kismaayo ay ku imaan karto kaliya in iyadoo la isku raacsan yahay.

Waxaa uu sheegay in marka hore ay ku wareejinayaan hadii dib u heshiisiin loo dhan yahay la qabto, taasna ay noqoneyso mas’uuliyad ay ku wareejin doonaan sida uu yiri.

Mas’uulkan ayaa si jees jees ku jirta u yiri in hadii Ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo ay dib ugu laabanayaan halkii ay ka yimaadeen, taasna ay keeneyso in Al-Shabaab mar kale ay dib ula wareegto magaalada Kismaayo.

Hadalkan ka soo baxay Mas’uulkan ayaa waxaa uu jebinayaa go’aankii ay gaareen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo uu horay uga soo horjeestay Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed ka dhashay dagaaladii dhowaan ka dhacay Kismaayo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay in Ciidamada Kenya ay ku lug lahaayeen dagaalada, dhinac ka mid ahna la safatay.

Maamulka Axmed Madoobe uu hogaamiyo ayaa taageero milateri oo toos ah ka hela Ciidamada Kenya oo aan u dhaga nugleyn awaamiirta Taliska AMISOM ee ka soo baxda Muqdisho.

Ciidamada Kenya ayaa October sanadkii hore la wareegay magaalada Kismaayo, kadib markii sanad dhan ay ku rafaneysay qabashada Kismaayo dagaalo ay la galeen dagaalyahanada Shabaab.

 

Source: Jowhar.com