Dowladda oo heshiis la gashay shirkad baari doonta shidaalka oo laga leeyahay Britain

0
867

CabdirasaaqCumar20130806_1Wasaaradda Khayraadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya shirkadda in ay ka sahmiso Soomaaliya in ay saliid ku jirto, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka shidaal, si ay qayb uga qaadato horumarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaaradda kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan looga muujiyay in heshiiskan uu qeyb ka noqdo dhiirri-gelinta maalgashiga iyo soo saarista kheyraadka dalka, si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu muujinayo xiriirka xooggan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain.

Dabayaaqadii July dowladda ayaa heshiis la gashay shirkad kale oo la sheegay inay ilaalin doonto xeebaha dalka iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya, taas oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group.

Bar-kulan