Dowladda Oo Sheegtay In Bisha September Ay Qabandoonto Shirweyne Qaran

0
929

EngYariisowDowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in bisha September ee soo socota la qaban Doono shirweyne Qaran oo dib u heshiisiineed si bulshada looga qeybgeliyo siyaasadda Dalka.

Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay qabanqaabineyso shirweyne Qaran oo lagu qabandoono Muqdisho inta u dhaxeysa Labada ilaa Lixda September kaas oo loogu gogol xaarayo sidii dalka looga dhaqan gelin lahaa sanadaha soo socda nidaamka doorashooyinka xorta ah.

‘’Dowlada Federaalka Soomaaliyeed waxey go’aamisay in Labada ilaa Lixda September Muqdisho lagu qabto shirweyne Qaran oo dib u heshiisiin ah arrimaha siyaasada gaar ahaan sidii loo meelmarin lahaa wixii lagu balamay oo ah in wadankan ay ka dhacdo doorashooyin xor ah, shirkan ujeedooyinkiisu waxa uu yahay in dowladu ka qeybgeliso arrimaha siyaasada bulshada Soomaaliyeed’’ Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Eng. Yariisoow.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi ay ka mid yihiin dib u habeynta iyo dhaqangelinta Dastuurka, in wadanku uu yeesho xisbiyo siyaasadeed, xoojinta hey’adaha dowlada, arrimaha federaaliisimka iyo awoodaha sida loo qeybsanayo, wuxuu xusay Afhayeenka in shirka la keenidoono khubaro ku taqasustay arrimahaasi.

Dowlada ayaa caasimada Muqdisho hore ugu qabatay shirar muhiim ah sida shirkii Garsoorka iyo kii waxbarasha kanna waa mid looga tashanayo aayaha dalkeena Soomaaliya.

 

Source: Radio Muqdisho