Dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney xoojineyso mashaariicda hormarineed ee ay ka waddo gudaha magaalada Muqdisho, ayadoo mashaariicdaasi uu ugu horeeyo dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shirkado Turki ah ayaa la sheegay iney sii wadayaan dib u dhiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halka wakaalada horumarka iyo xiriirka caalamiga ah ee Turkiga ay dhiseyso waddo dhererkeedu yahay 23 K.M. taasoo isku xireysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada inteeda kale.
Dib u dhiska Shirkadaha Turkigu ku kordhinayaan garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegay in sanadkii ay garoonka isticmaali karaan 1.8 Milyan oo qof, iyadoo dowlada Turkigu ay tilmaantay iney dedejineyso mashruuca dayactirka garoonka diyaaradah Aadan Cadde.
Wasiirka arrimaha dibada Turkiga ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay hortaaganyihiin horumarka Soomaaliya isagoo intaa raaciyay iney sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan shacabka iyo dowladooda.
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in Afar Boqol Oo Milyan oo Doolar ay ku bixineyso gargaarka iyo horumarinta dalkeenna Soomaaliya.
Radio Muqdisho