Faah faahin ka soo baxaya heshiis ay kala saxiixdeen labadii beeleed ee ku dagaalamay Sh/Hoose

0
761

MarkaFaah faahin ayaa ka soo baxaya heshiis labo beelood oo wada dega deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ay kala saxiixdeen, kadib shir muddo labo todobaad ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay odayaasha, waxgaradka iyo nabadoonada labada beelood.

Shirkan oo ay horay u soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha gudaha ayaa munaasabadii heshiiska lagu kala saxiixanayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Guuleed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa gudigii dhex dhexaadinta labada beelood ayaa sheegay in heshiiska uu noqon doono mid dhaxal gal ah, isla markaana u rajeeyay labada beelood in nabad ku wada noolaadaan.

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali ayaa kulankan ka aqriyay heshiiska ay kala gaareen labada beelood, kaasoo ka kooban ilaa shan qodob.

Qodobada heshiiska ayaa waxay ahaayeen sidan:-

1) Wixii dhib ahaa ee dhex maray labada beelood in si dhaqsi ah lagu xaliyo wada hadal dibna aan loogu noqon dagaal beelood markale.

2) Deegaanada dhibka ka dhacay in si deg deg ah looga qaado isbaarooyinka yaala dib danbe aan loo dhigin laguna gacan siiyo ciidamada dowladda inay ka howlgalaan deegaanadaasi si amaniga ay sugaan.

3) Maleeshiyaad beeleedka jooga deegaanada lagu diriray in la qarameeyo.

4) In dowladda Federaalka ay u soo dhisto gobalka Shabeelaha Hoose maamul dowladeed waafaqsan Dastuurka Soomaaliya

5) In si deg deg ah loo sameeyo gudi ka kooban laba dhinaca si daba gal loogu sameeyo waxyaabihii lagu hishiiyay

Gaba gabadii waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, kuwaasoo adkeeyay heshiiskan, isla markaana ugu baaqay labada dhinac inay dhaqan geliyaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in heshiiskan dhaqan galkiisa laga sugayo odayaasha labada dhinac, isla markaana ay dhankooda ku taageerayaan, hase ahaatee waxaa uu u digay cidii jebisa, in si wada jir ah looga hortagi doono.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo in gobolka Shabellaha Hoose uu noqdo mid ka caagan Isbaarooyinka oo ahaa sababtii ka dambeysay dagaalkii dhex maray labada beelood.

Heshiiskan ayaa ahaa mid wasaarada arrimaha gudaha ay dadaal badan ku bixisay, sidii loo soo afjari lahaa colaadaha labada beelood ee dega Shabellaha Hoose.

Source: Jowhar