Faah faahin ka soo baxaya weerar lagu dhaawacay Haweeney Swedish ah iyo dilal Muqdisho ka dhacay

0
1172

SwidishWomenInjuredInMogadishu20130821_1Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar dabley hubeysan maanta ku qaadeen Haweeney u dhalatay dalka Sweden Ann-Margarethe Livh Vänsterparti , iyagoo dilay Abdirahman Hassan 24 jir somaliswedish oo ka tirsana xisbiga bidixda ee loo yaqaano Vänsterparty iyo Ilaalo la socday, kadib markii ay ka soo baxeen Jaamacada Soomaaliya oo ku dhow Isgoyska KM4.

Weerarkan oo uu dhaawac fudud ka soo gaaray haweeneyda ayaa wararka qaar sheegayaan in isku daygu ahaa mid la doonayay in lagu afduubto.

Haweeneyda ayaa ka hor inta aan la dhaawicin waxay Khudbad u jeedisay Ardayda Jaamacada Soomaaliya oo u fadhiyay Siminaar ku saabsan dowlad wanaaga.

Abdirahman Hassan 24 jir somaliswedish oo ka tirsana xisbiga bidixda ayaa ka tirsanaa Urur xisbiga bidxda ee dhalinyada dalka Sweden, waxaana lagu naaneysi jiray Jaalle.

Dhaawaca haweeneyda ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka AMISOM ee Xarunta Xalane, iyadoo xaaladeeda la sheegay inay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale waxaa maanta dilal ay ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isgoyska Siinaay ayaa askari ka tirsan booliska oo ahaa saddex xidigle lagu magacaabo Cabdi Xasan Cali ku toogtay nin dhalinyaro ah, waxaana ninka dhalinyaro markii dambe dilay ciidamada nabadsugida.

Dilalka ujeedo badanka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ay ku jahwareersan yihiin shacabka, waxaana hey’adaha ammaankana ay ku gaabsadaan inay wadaan dadaalo iyo in dhagxaan amni ahaan loo dhigo wadooyinka iyo xarumaha kale.

Source: Jowhar.com

SwidishWomenInjuredInMogadishu20130821