Faah faahino ka soo baxaya Qaraxyo Xalay Ruxay Muqdisho

0
827

Alshabaab1Wixii ka dambeeyay Salaadii Maqrib ee Xalay waxaa Muqdisho ay Marti qaaday kudhawaad 20 qarax oo isugu jiray Bambaanooyin iyo Miinooyin saldhigyoo Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Meelo dad rayid ah ay ku badanyihiin lala bartilmaamsaday.

Qaraxyadaani ayaa ka dhacay laga soo billaabo Isgoyska Ex-Kontarool Afgooye illaa Isgoyska dabka inta u dhexeysa iyo Sidoo kale Xaafado ku yaalla Degmada X/weyne ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 15 qofood oo isugu jira Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa Qaraxyadaasi ku dhintay.

Sikastaba Muddooyinkii dambe ayaa Ammaanka Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa mid aan caga badan ku taagneen oo faraha ka sii baxayay marka loo eego weerarada iyo dilalka ka dhaca.

 

Shabelle