Galmudug oo eedeyn u Jeedisay Wasaaradda Adeega Bulshada DF

0
886

GalmudugMapWasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Maamulka Galmudug Max’ed C/qaadir Xaashi ayaa Shir Jara’id oo uu ugu qabtay Warbaahinta Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in Wasaaradda Hurumarka iyo Adeega bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan waaxdeeda Wabarashada aysan si cadaalad ah u qeybin deeqo Waxbarasho ee laga helay dalka dibaddiisa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda adeega Bulshada aysan xaq u laheyn Kontaroolida ardada ka soo baxdo Jaamacadaha iyo Iskuulada Galmudug , islamarkaana Galmudug uu yahay Maamul isagu xaq u leh in uu soo xusho heerarka Waxbarasho Ardada ka soo baxday dugsiyada Maamulkaasi Galmudug.

Sikastaba Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin ku tagri falka deeqaha Waxbarasho oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qancineyso Maamul gaar ah.

Source: Shabelle