Garoonka Aadan Cabdulle oo dib u howlgalay

0
970

MuqdishoAirport20130611Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada ayaa caawa fiidnimadii dib u billaabay howlahiisa, kaddib markii ay maanta ku burburtay diyaarad la sheegay in laga leeyahay dalka Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka warbaahinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in labo diyaaradood oo mid laga leeyahay dalka Turkiga ay ka dhoofeen garoonka.

Wuxuu sheegay in xaaladda garoonka ay wanaagsan tahay, duulimadyadana ay u socon doonaan si caadi ah.

Diyaarado rakaab oo maanta ka baxay Nairobi oo la filayay iney ka degaan Muqdisho ayaa loo weeciyay garoonka Berbera, kaddib markii hakad la geliyay shaqadii ka socotay garoonka Aadan Cabdulle wixii ka dambeeyay shilka diyaaradeed.