Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalaad Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta Qurbojoogta ah oo iyagu ku sugan qaar kamid ah Dalalka Caalamka in ay ka dambeeyaan qalqal gelinta Amaanka Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in taasi ay ka fogtahay Muwaadinnimada isla markaana aan loo baahneyn in Siyaasi Soomaaliyeed isaga in uu ku mashquulo qalqal gelinta Magaalada Muqdisho iyo sidii qas looga shaqeyn lahaa waxaana uu sheegay taasi in Siyaasiyiin dhowr ah oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u tafaxeeteen sida Magaalada Muqdisho rabshado looga aloolilahaa.
“dhowr Bombo iyo labo Qarax oo laga sameeyo Magaalada Muqdisho laguma qiyaasi karo amniga Muqdisho hadii sidaasi waxa lagu qiyaasayana waxad wada ogtihiin in waxa Dalka Ciraaq ka dhaca inaysan Xamar ka dhacin marka amaanka Magaalada Muqdisho yaan laga beensheegin” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale Siyaasiyiinta waxaa uu ku eedeeyay in dhaqaalo badan ay ku bixinayaan sidoo colaado badan looga abuuri lahaa Magaalada Muqdisho isla markaana loolumin lahaa amniga guud ee Magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyah Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale Warbaahinta qaar waxaa uu ku eedeeyay in iyana ay qeyb ka yihin kuwa Hurinaya Colaada ka taagan Magaalada Muqdisho .
“waxaa jiro Warbaahino qaar ka howlgala Muqdisho isla markaana ka shaqeeyay sidii ay shaki u gelin lahaayeen Midnimada Umadda Soomaaliyeed, hase ahaatee Umadda Soomnaaliyeed waxaa ay gaari doontaa waqti ay la xisaabtanto Cid waliba Kalimada Afkiisa ka soo baxda Hadii Alla Idmo” intaasi ayuu hadlkiisa raaciyay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Sikastaba Hadalka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalaad Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa xili muddooyinkii dambe ay Siyasiyiin Dalka Caan ka ah ay eedeemo kulul u jeedinayeen Dowladda Fedeaalka Soomaaliya taa oo ku aadan inay hanan weysay Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.