Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM loogu talagalay in ay Nabadda kala shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya isla markaana iskaashi kala yeeshaan sidii Al Shabaab iyo Dadka ka soo horjeeda Dowladda looga sifeyn lahaa Gobolada Dalka hase yeesheen aan loogu talaglinj in Tacdiyad ay ka geysato Gudaha Dalka Soomaaliya waxaana u sheega Xildhibaan Muuse in wax laga xumaado ay tahay ion Gabar Soomaaliyeed ay Kufsi u geystaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM isla markaana aad loogu baahan yahay in laga dhiidhiijiyo isagoona ugu dambeyntii ku baaqay in Cadaaladda la horkeeno Askartii ka dambeysay ee AMISOM inay kufsadaan Haweney Soomaaliyeed oo la sheegay Kufsiga loogu geystay Xerada Maslax ee Fariisan u ah Ciidamada AMISOM.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi waxa uu ku daray in Ciidamada Booliska iyo kuwa dhamaan Hay’adda qaabilsan amaanka in laga doonayo in baaritaan deg deg ah ay ka yeeshaan qaabkii uu Kufsigaas u dhacay si buu yiri ay u fududaato horkeenida Cadaaladda Askartii ka tirsaneyd AMISOM ee kufsigaasi geysatay.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa geesta kale waxaa uu tilmaamay in aan laga hari doonin Cid alaala Ciddii ka dambeysay Kufsigaasi gabadha Soomaaliyeed loogu geystay Xerada Maslax hadii ay ahaan lahaayeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Militariga ee Soomaaliya xitaa hadii ay lug ku lkeeyihiin la horkeeni doono Caddaaladda isla markaana la waafajin doono sida uu sharciga qabo waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay in arrin aan la aqbalin Karin isla markaana aan u cuntameynin Guddiga Xuquuquk Insaanka Baarlamaanka Soomaliya iyo guud ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan uu sheegay
Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Muuse Sheekh ayaa waxa uu imaanayaa xili Xukuumaddu ay shaacisay in Guddi gaar ah oo heer Wasiiro ah ay u xilsaartay iyadoo Madaxda Dalka ugu sareysa ay arrikaasi ku tilmaameen wax lagu xumaado oo Ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka sameeyeen Duleedka Muqdisho.
Shabelle