Gudoomiyaha Barlamaanka Oo Shacabka U Diray Hambalyo Ku Aadan Munaasabadda Ciidul Fidriga

0
823

Jawaari20130503_5Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “ASCWW dhammaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeeynayaa Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak, ‘HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO, Alle Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryayaa inuu iga aqbalo Soonkii,Salaadii iyo cibaadadii aynu sameynay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, Ciidaan Ciideedana uu Alle inagu gaarsiiyo inagoo intaan ka nabad iyo barwaaqo badan waxaanna leeyahay dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed farxad ku ciida”

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa fariin gaar ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed waxaana uu yiri “ dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinayaa iney is weeydiiyaan Dalkaan yaa iska leh? Dalkaan dhalinyarada ayaa iska leh,Mustaqbalka Shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyarada,dhalinyarada waxaan farayaa kana codsanayaa iney hakadaan,fariistaan oo ay is weeydiiyaan su’aal ah maxaa ii dan ah, maxaanse dadkii u qaban karaa? Waxaan Alle ka baryayaa inta naga lunsan inuu Alle soo hanuuniyo”

“sidoo kale waxaan ka codsanayaa kuwa wax dhibaateeya in umadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed oo bishan Ramadaan soo soontay oo faraxsan in maalinta ay ciidayaan oo carruurtooda ka farxinayaan laga daayo argagax gelinta,in naxdinta laga daayo mana ahan islaannimo in maalinta Ciidda ah qof muslin ah oo Alle dartiis u soonnaa aad argagax geliso ama dhiigooda aad daadiso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu dambteyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa fariin gaar ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee uu Alle hantida siiyey waxaana uu ka codsaday in qof walba waxa uu awoodi karo uu ku farxad geliyo munaasabadda Ciidda aawgeed qofka walaalkiisa ah ee aan waxba heysan “waa farxad waa Ciid wanaagsan waxaan Alle ka baryeynaa inuu Ciidaan Ciideeda nagu gaarsiiyo Nabad,Farxad iyo Barwaaqo INSHA ALLAH”