Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa maanta shaacisay in ay joojineyso guud ahaan howlihii Samafaleed ay ka heysay Soomaaliya
Qoraal ay soo saartay Haydda MSF ayaa lagu sheegay in ay joojineyso guud ahaan howlihii Samafaleed ay ka heysay Soomaaliya,waxaan hay’aduu Qoraalkeeda ay ku sheegtay in go’aankaasi ay gaartay kadib markii ay Kordheen Dhibaatooyinka lagu hayo shaqaaleeda ka howlgala Soomaalida.
Hay’adda MSF ayaa sidoo kale Sheegtay in Shaqaaleheeda Soomaaliya loogu geesto afduub ,Dil,Hanjabaad Joogto o kaga Imaanayo Kooxo hubeysan,tasoo keentay inay gaarto Go’aankaasi Waxaana arintaasi ay Hay’addu Ku wargelsay shaqaaleheed ku kala sugan gobollada dalka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan shaqaalaha hay’adda MSF Warbaahinta u xaqiijiyay in hay’adda MSF ay ku wargelisay shaqaalaheeda gobollada dalka Soomaaliya in 16-ka bishan aynu ku jirno ay joojin doonto guud ahaan adeegyadii dhanka caafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay hay’adda MSF ayaan lagu cadeyn waqtiga ay joojineyso dhamaan howlihii samafaleed ay ka waday guud ahaan dalka Soomaaliya.
Shabelle