Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Wadaafo ayaa ku geeriyooday israsaaseyn shalay galinkii dambe dhex martay maleeshiyo uu horjoogaha u ahaa.
Is rasaaseynta oo ka dhacday deegaanka Tardo oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan ayaa timid markii malleeshiyad ka wada tirsan Shabaab ay ku murmeen in si khasab ah timaha looga jaro nin dhallinyaro oo ka mid ah dadka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tardo ayaa xaqiijiyay dhimashada horjooge Cali Wadaafo oo ay haleeshay rasaastii ay dhinacyadii dagaallamayay is waydaarsadeen.
Wararka ka imaanaya deegaannadaasi ayaa tilmaamaya in halkaasi ay ka jirto Xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay dhismashada horjoogahaasi.
Radio Muqdisho