Howl gal qorsheysan ayaa xalay saqdii dhexe ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Hey’adda Nabadsugida qaranka ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha, halkaasoo beryihii u dambeeyay dilal kala duwan ka dhacayeen.
Sida wararku sheegayaan howl galkan oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ilaa saaka waabarigii laga sameeyay Guryo iyo Hotelo yar yar oo ku yaala suuqa bakaaraha.
Howl galkan oo ahaa bartilmaameed gaar ah ayaa ka dambeeyay markii Nabadsugida ay heleen xog iyo macluumaad la xiriira in rag sar sare oo ka tirsan Shabaab ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha.
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Koofi oo howl galkan hogaaminayay ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad fara badan oo gaarayay ilaa sodomeeyo ruux.
Idaacada ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho ayaa saaka waabarigii sheegtay in howl galka lagu soo qabtay ilaa 27-ruux oo mid ka mid ah uu Ajnabi ahaa, isla markaana ilaa saaka waabarigii ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ku sugnaayeen meelaha howl galka ka dhacay.
Ciidamada loo yaqaano Gaashaan ayaa la sheegay inay ugu daateen guryaha, lana wareegeen goobaha howl galka ka socday xalay saqdii dhexe ilaa saaka waabarigii.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adda Nabadsugida oo ku aadan howl galka xalay saqdii dhexe laga sameeyay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.
Source: Jowhar