Howlgal dhinaca amniga ah oo ka socda Marka

0
852

MarkaWaxaa saaka aroortii hore howlgallo ammaanka lagu sugayo laga bilaabay xaafadda Abuu Raas ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, oo isugu jira boolis iyo milateri.

Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in howlgalladu ay socdaan, isla markaana xaafaddaasi guri guri ay u baarayaan ciidamada howlgalka sameynaya.

Guddoomiyuhu ma uusan sheegin in howlgalka ay dad ku soo qabteen iyo in kale.

Degmada Marka ayaa maalmahanba waxaa ka socday howlgallo dhinaca amniga ah, kuwaas oo ay si wada jir u sameynayeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Source: Bar-kulan