Howlgal lagu soo qabtay Mootooyinka u shaqeeya sida Taksiga oo Ciidanka Taraafikada ay ka Sameeyeen Muqdisho

0
915

TrafficPoliceHowlgalo saakay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho Ciidamada Boliiska gaar ahaan kuwa Nabedgalyada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa ku soo qab-qabtay gadiidka loo yaqaano Mooto Taksi ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lugu eedeeyay ineysan laheyn sharciyada wadista gadiidka.

Qaar ka mid milkiilayaasha Mootooyinkani dhawaan ku soo biiray Taksiyada ka shaqeeya xaafadha magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ku fikireen sidii dalka ay ugu soo kordhin lahaayeen Mootooyin casri ah oo ka qiima jaban Baabuurta kale ee ka shaqeeya Muqdisho, kuwaa oo ay sheegeen in laga isticmaalo wadamada horumaray, waxaana ay tilmaameen inay raacayaan Awaamiirta Saraakiisha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Taliyaha Ciidanka ilaalada wadoyiinka ee Taraafikada Jen Cali Xersi Barre Cali Gaab oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sharaxay howlgalka saakay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ku soo qabteen howlgalka, gaadiid si sharci daro ah kaga shaqeynayay Magaalada Muqdisho loona baahanyahay in lagu saleeyo gaadiidka Sharciyada Wadooyinka,

Gadiidkani maanta lagu soo xareeyay fiisho Taraafiko oo ah xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka ayaa ka dambeysay ka dib marki saakay ay howlgal balaaran ka sameeyeen Ciidanka ilaalada wadooyinka ayna ku soo qabteen Mootooyinkani lugu soo edeeyay ineysan heysan sharciyada Sadooyinka.

 

Radio Muqdisho